Himilo – Robert Lewandowski ayaa ku laabtay Bayern Munich si looga daaweeyo dhaawac jilibka ah, Poland ayaa xaqiijisay. Weeraryahanka ayaa dhaawac ka soo gaaray jilibka midig intii lagu jiray kulankii isreebreebka Koobka Adduunka ee 3-0 ay kaga badiyeen Andorra, kaasoo uu dhaliyay labo gool.
Poland ayaa manta soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso in Lewandowski uu seegi doono kulanka ay la ciyaarayaan England Arbacada si looga fogaado halista ah inuu sii xumaado dhaawaca.
32 jirkan ayaa ku laaban doona dalka Jarmalka si uu u helo daaweyn dheeraad ah taas oo la filayo in ay socon doonto 5 ilaa 10 maalmood. Warkan ayaa walaac ku abuuri doona tababaraha Bayern Hansi Flick ka hor kulamada adag ee hogaamiyayaasha horyaalka Bundesliga.
Bayern ayaa wajihi doonta RB Leipzig 3da bisha Abriil, afar maalmood ka hor lugta hore ee wareega 8da Champions League ee ay wajahayaan Paris Saint-Germain.
Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa markaa martigelin doonta Union Berlin 10ka Abriil ka hor kulanka lugta labaad ee ay la ciyaarayaan PSG 13ka Abriil.
Lewandowski ayaa dhaliyay 42 gool sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale 36 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda Bayern. Xiddigii hore ee Borussia Dortmund wuxuu leeyahay 35 gool kaliya 25 kulan oo Bundesliga ah, waxaana uu 12 gool ka sarree