Himilo-Weerar uu geystay libaax badeed oo ka dhacay xeebaha Badda Cas ee Masar ayaa waxa uu sababay dhimashada hal qof oo dalxiise ah mid kalena waa uu ku dhaawacmay.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda deegaanka ayaa lagu sheegay in shilkan Axaddii uu ka dhacay waqooyiga Marsa Alam, oo ah magaalo loo tamashle tago oo ku taal bariga Masar oo caan ku ah quusayaasha.
Ninka dhintay oo 48 jir ahaa ayaa deganaa magaaladda Rome ee caasimadda Talyaaniga, halka qofka dhaawacmayna uu ahaa 69 jir, sida ay sheegtay AFP.
Saraakiisha Masar oo magacyadooda ka gaabsadey ayaa sheegay in labada dalxiise loo qaaday isbitaal ku yaalla Port Ghalib, oo qiyaastii 30 mayl waqooyi ka xigta Marsa Alam.
Goobta lagu dabaasho ee Marsa Alam ayaa gabi ahaanba albaabadda loo laabay, waxaana la baarayaa dhacdada iyo qaabka ay ku timid, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar dhimasho ah oo ka dhashay weerarrada libaax badeed ee Badda Cas, sida lagu sheegay xog uruurin.
Radio Himilo
