Home Cayaaro Lionel Messi oo farriin qoraal ah u diray Luis Suarez oo uu...

Lionel Messi oo farriin qoraal ah u diray Luis Suarez oo uu ku sheegay inuu dhibtoonayo

0
15

Himilo – Luis Suarez ayaa sheegay in Lionel Messi uu ku dhibtoonayo Paris Saint Germain keliya afar bilood ka dib markii uu ka tagay Barcelona.

Messi ayaa lagu qasbay inuu ka tago kooxda sababo la xiriira sharciga dhaqaale ee La Liga inkastoo uu diyaar u ahaa inuu sii joogo iyo heshiis uu ku ciyaaro qeyb ka mid ah mushaarkiisa.

Ka dib markii uu ogaaday in joogitaanku aanu ahayn dookh, 34-sano jirku waxa uu si xor ah ugu biiray PSG, halka kooxda Paris ay hoggaanka u hayso Ligue 1, noloshu sidaas uguma fududa Messi.

Ma uusan helin wax gool ah sida uu u jeclaan lahaa (afar gool, 11 kulan), sidoo kale waxa uu ku dhibtooday inuu ka garab ciyaaro saaxiibada weerarka ah ee Neymar iyo Kylian Mbappe oo weerarka kaga ciyaara kooxda Faransiiska.

Sida laga soo xigtay Suarez, oo weli saaxiib dhow la ah Messi, Argentine-ka  ayaa qirtay inuu ku dhibtoonayo Paris, gaar ahaan cimilada qabow.

“Wuxuu ii sheegay in marka uu qabowga ku ciyaarayo uu aad ugu xanuunsado barafka, waa in aad la qabsato sida ay tahay cimilada qabow ee jirta, hubaal” ayuu xiddigaUruguay u sheegay TNT Sports.

Inkastoo Barcelona ay iska fasaxday sannadkii hore, Suarez ayaa sheegay inuu weli la hadlo xiddiga todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or maalin kasta.

Bixitaankiisa lama filaanka ah ayaa door muhiim ah ka qaatay in Messi uu dhiibo codsiga suuqa kala iibsiga ee 2020. Ugu dambeyntii waa uu sii joogay, laakiin waa la fasaxay sanad ka dib markii xaalada dhaqaale ee kooxda Catalan ay ka sii dartay.

Suarez ayaa beeca xorta ah ugu biiray Atletico Madrid isaga oo kooxda ku hoggaamiyay hanashada horyaalka La Liga kadib markii uu dhaliyay 21 gool xilli ciyaareedkii hore.

“Waxa ay ahayd dareen adag labadeenaba in aan isku wajahno Camp Nou,” Suarez ayaa hadalkiisa raaciyay.

“Dhanka kale, marka aan u ciyaareyno Uruguay kulanka Argentina waa ka duwan yahay, had iyo jeer waa kulamo qurux badan, Leo oo aan la xafiiltama waa mid adag oo dhib badan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan