Home / Cayaaro / Liverpool, Arsenal iyo United-ka oo ku loolamaya saxiixa Nuno Mendes

Liverpool, Arsenal iyo United-ka oo ku loolamaya saxiixa Nuno Mendes

Himilo – Sida ay daabacday Calciomercato, da’yarka daafaca bidix kaga ciyaara naadiga Sporting Lisbon ee Nuno Mendes, ayaa waxaa sixiixiisa baadi goobaya kooxaha ugu sareeya horyaalada Yurub.

Waxaa kooxahaasi ku jira Liverpool, Arsenal iyo Manchester United, kuwaas oo ku loolamaya saxiixiisa.

Inkasta oo ay daneenayaa, haddana United-ka oo horey ciyaartooy kaga soo qaadatay horyaalka Protugal, Liverpool oo dooneysa inay xoojiso daafaceeda bidix iyo Arsenal oo ay haysata dhawr dookh oo booskaasi, waxey dhammaantood ka fiirsanayaa u dhaqaaqista Mendes.

Kooxda AC Milan ayaa sidoo kale kamid ah naadiyada doonaya. Sporting Lisbon oo ka warqabta dalabka ka imaanaya da’yarkeeda ayaanan diyaar u ahayn inay ku dirto lacag ka yar 45-milyan oo Yuuro.

Mendes, heshiiska uu hadda kula joogo Sporting waxa uu ku eg yahay 2025-ka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan