Home / Cayaaro / Liverpool iyo Bournemouth oo wada doonaya laacib katirsan Leeds United

Liverpool iyo Bournemouth oo wada doonaya laacib katirsan Leeds United

Himilo FM – Daafaca biddix ee kooxda Leeds United Leif Davis ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday Liverpool, sida ay qortay The Sun.

Kooxda Whites ayaa kala soo saxiixatay Davis Morecambe xagaagii lasoo dhaafay , waxa uuna  bilaabay billowgiisii ugu horreeyay horyaalka Championship bishii December.

Warbixinta the Sun ayaa sheegtay in Bournemouth ay sidoo kale xiiseyneyso Davis.

Inkastoo  Cherries ay la soo saxiixatay daafaca dambeedka biddix Lloyd Kelly qiimo dhan £ 13 milyan.

Liverpool ayaa xiiseyneysay Kelly, laakiin ma aysan dooneynin inay kula soo wareegaan dalabka Bournemouth, sida ay qortay The Mirror.

Reds ayaa raadineysa daafac biddix si ay keyd uga dhigto Andy Robertson, iyadoo Alberto Moreno uu baxayo.

Warbixinta ayaa qeexaysa in Leeds xirfadlaheeda  Davis lagu qiimeeyo £ 4 milyan,  Leeds ayaa  laga yaabo inay eegto Kelly qiimahiisa.

Davis, oo 19 jir ah, ayaa shan kulan u saftay Leeds tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, oo uu ku jiro labo uu ku soo  billawday.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan