Home / Cayaaro / Liverpool, Man Utd, PSG iyo Inter Milan? Nicolas Pepe oo xushay kooxda uu aadayo

Liverpool, Man Utd, PSG iyo Inter Milan? Nicolas Pepe oo xushay kooxda uu aadayo

Himilo -Xiddiga diiradda u saaran Liverpool iyo Manchester United Nicolas Pepe ayaa doonaya inuu ku biiro Paris St-Germain xagaagaan.

Pepe oo ka mid ah xiddigaha ugu hadal heynt badan kubadda cagta Yurub kadib markii uu dhaliyay 23 gool 41 kulan oo uu u saftay Lille xilli ciyaareedkii 2018/19.

Sidoo kale Reds ,United, Inter Milan, Atletico Madrid iyo Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixiisa  xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Faransiiska Le10 Sport, Inter ayaa bilowday dalab 67 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso xiddiga garabka ka ciyaara, halka koox aan la magacaabin oo Ingiriis ah ay dalab u dirtay 76 milyan oo ginni.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay haatan in Pepe uu door bidayo PSG.

Xiddiga ee reer Ivory Coast ayaa lagu soo waramayaa inuu ku riyoonayo inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Ligue 1, waxaana uu rajeynayaa inay dalab ka gudbin doonaan oo ay hordhigi doonaan  Lille suuq furankaan.

Riyadaani waxay Rumoobi kartaa hadii PSG ay go’aansato inay lacag kaash ah ku hesho Neymar.

Hadii ciyaaryahanka reer Brazil uu ku laabto Nou Camp, PSG waxa ay raadineysaa  bedelkiisa oo ah  Pepe.

Liverpool ayaa si aad ah loola xiriirinayay 24 jirkaan oo haatan u ciyaaraya xulka Ivory Coast.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan