Home Cayaaro Liverpool o u dhaqaaqday daafac ka tirsan Olympiacos

Liverpool o u dhaqaaqday daafac ka tirsan Olympiacos

0
10

Himilo – Daafaca kooxda Olympiacos ee Ruben Semedo ayaa la werinayaa in ay dooneyso kooxda Liverpool.

Ku guuleystayaasha Premier League ayaa si weyn u rajeneysay in ay la saxiixdaan daafac dhexe marka la gaaro bisha January, iyaga oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Joe Gomez iyo Virgil van Dijk, kuwaasi oo ay suurgal tahay in inta ka dhiman xilli ciyaareedka maqnaadaan.

Fabinho ayaa la rajeynayaa dib ugu soo laabashada kooxda, kaasi oo dhaawac ku seegaya ciyaaraha qarramada. Tiro ciyaartoy ah ayaa lala xiriirinayay in ay u dhaqaaqayaan Merseyside maalmihii lasoo dhaafay kuwaasi oo ay badankoodu yihiin daafacyo.

26-jirkaan Olympiacos  kaga soo biiray Villarreal sannadkii 2019 ayaa saftay 55 kulan oo uu u ciyaaray naadiga  reer Greek dhammaan tartamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan