Home / Cayaaro / Liverpool oo aan wali qorshaynayn saxiixyo bisha Janaayo

Liverpool oo aan wali qorshaynayn saxiixyo bisha Janaayo

Himilo – Liverpool ayaan  wax niyad ah u hayn in ay samayso saxiixyo cusub inta lagu guda jiro suuqa furmaya bisha Janaayo.

Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu la qabsado dhaawacyo muddo dheer ah xilli ciyaareedkan, gaar ahaan daafaca iyadoo Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ay dhammaantood maqnaayeen mudooyin muhiim ah tan iyo bishii September.

Bar-barihii  ugu dambeeyay ee ka dhanka ah West Bromwich Albion ayaa horseeday hadalheyn dheeri ah oo la xiriirta imaatinka xidigo cusub bartamaha ololaha.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Klopp wuxuu diyaar u yahay inuu kalsooni u muujiyo ciyaartoydiisa da’da yar iyadoo Rhys Williams iyo Nathaniel Phillips ay saameyn wanaagsan ku yeelanayaan kooxda koowaad.

Iyadoo Thiago Alcantara iyo Alex Oxlade-Chamberlain ay dhawaan xoojiyeen soo kabsashadooda, Fabinho ayaa awood u yeelan doona inuu sii wato booskiisa daafaca.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa lala xiriirinayay xiddigga Schalke 04 Ozan Kabak iyo laacibka  Ajax Perr Schuurs.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan