Himilo – Liverpool ayaa lagu warramayaa in ay isha ku hayso u dhaqaaqitaanka Rodrygo kaasi oo ka tirsan Real Madrid si ay beddel macquul ugu dhigaan Mohamed Salah.
Laacibka qaranka Egypt ayaa saameyn wanaagsan ku lahaa kooxda tan iyo markii uu yimid Anfield markaasi oo uu kasoo tegay Roma sannadkii 2017. Salah ayaa noqday mid kamid ah xiddigaha ugu wanaagsan dunida xilli uu Liverpool ka caawiyay hanashada horyaalka sannadkii lasoo dhaafay.
Liverpool ayaa la sheegayaa in laacibkan muddada u ciyaarayay naadiga u raadiso shaqsi ay ku beddelaan kaasi oo ay u arkaan in uu noqon karo Rodrygo.
19-jirkaan ayaa ku biiray Real Madrid isaga oo ka yimid naadiga reer Brazil ee Santos sannadkii 2019.