Home / Cayaaro / Liverpool oo bisha Janaayo u dhaqaaqi doonta beddelka Virgil van Dijk

Liverpool oo bisha Janaayo u dhaqaaqi doonta beddelka Virgil van Dijk

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa quudareynta in ay u dhaqaaqaan bisha Janaayo laacibka Brighton & Hove Albion daafaca dhexe ugu ciyaara Ben White, si uu beddel suuragal ah ugu noqdo Virgil van Dijk oo seegaya naadiga inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Van Dijk ayaa muddo dheer kooxda ka maqnaanaya kaddib markii uu dhaawac soo gaaray ciyaartii ay Sabtidii wajaheen Everton.

Maqnaanshiyaha ninkan u dhashay Dutchka ayay ka dhigan tahay in tababare Jurgen Klopp uu keliya daafaca dhexe u heysan doono laacibiinta Joel Matip iyo Joe Gomez.

Liverpool ayaa go’aansatay helidda daafac dhexe oo cusub iyaga oo hadda farta ku fiiqay Ben White oo ka tirsan Brighton & Hove Albion.

Brighton waxay xiddigan ku qiimeeyaan adduun lacageed dhan  £30m, Reds ayaa awood u heli karta iibsashada laacibkaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan