Himilo – Liverpool ayaa la werinayaa in ay daneynayaan daafaca Bayern Munich ee David Alaba kaasi oo u ah bartilmaameedka koowaad.
28-jirkaan ayaa kamid ahaa xiddigaha Bayern ka saaciday ku guuleysiga seddex koob, balse waxa uu qandaraaskiisa naadiga dhacaaya bisha June ee sannadka soo aadan, iyada oo wararka ugu danbeeyay sheegayaan in muddo kordhin la damacsanaa uu fashilmay.
Kooxo badan ayaa daneynaya laacibka oo ay kamid yihiin Manchester United, Chelsea iyo Juventus, halka sidoo kale suuragal tahay in uu aado dalkiisa Austria muddooyinka soo aadan.
Sida ay warineyso Football Insider, Liverpool ayaa hadda daneyneysa Alaba waana bartilmaameedka koowaad oo ay rajaynayaan u dhaqaaqitaankiisa bisha January.