Home / Cayaaro / Liverpool oo dhammeystirey heshiiska Diogo Jota

Liverpool oo dhammeystirey heshiiska Diogo Jota

Himilo – Kooxda Liverpool, ayaa dhammeystirtay heshiis dhan 45-milyan oo Pound, kaasoo ay kusoo qaadatay ciyaariyahanka Wolverhampton Wanderers ee Diogo Jota.

” Waan faraxsanahay muddo dheer ayaan sugayay inaad halkan imaado, waxaan filayaa in kooxda ay fasiraad ka bixin doonto qofka aan ahay” ayuu Jota u sheegay mareegta kooxda Liverpool.

“Waan faraxsanahay balse farxadeyda waa inaan ficil u baddelaa” ayuu sii raaciyay

Mudada heshiiska ciyaariyahanka oo la filayo inuu sabtigan maro baaris caafimaad, ayaa gaareysa shan sanno.

Warkan ayaa soo yeeraya saacado kadib markii kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, ay heshiis kula soo wareegtay Thiago Alcantara, kaasoo Buyer Munich kaga tagay heshiis ku kacaya £25m.

Imaanshaha Jota ee Anfield, ayaa fududeyn kara in daafaca kooxda ee Ki-Jana Hoever uu si fudud ugu wareego Wolves.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan