Himilo – Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay albaabada u furtay Naby Keita in uu ka tegi karo ka kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
26 jirkaan ayaa inta badan ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wanaagsan tan iyo markii uu yimid garoonka Anfield isagoo ka yimid RB Leipzig bishii July 2018.
Keita ayaa kaliya la isticmaalay 16 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, iyada oo kaliya 10 ka mid ah kulamadaas ay ahaayeen Premier League.
Sida laga soo xigtay Sunday World, Liverpool ayaa diyaar u ah iibinta xiddiga reer Guinea suuqa soo socda si lacagaha kasoo xarooda ugu helaan xiddigo cusub.
.