Home / Cayaaro / Liverpool oo dooneysa inay la soo wareegto Declan Rice xagaaga soo aadan

Liverpool oo dooneysa inay la soo wareegto Declan Rice xagaaga soo aadan

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in ay sahaminayso suurtogalnimada ay ku keeni karto Anfield kabtanka kooxda West Ham United Declan Rice inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Reds ayaa la filayaa in ay samayso saxiix lacag badan oo khadka dhexe ah dhamaadka xilli ciyaareedkan. Xiddidaha lagu wado inay soo xero geliso waxaa ka mid ah  laacibka Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa tartan kala kulmeysa kooxaha sida Real Madrid, Manchester United, Manchester City iyo Chelsea oo doonaya xiddigan heerka caalami ee dalka England.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la rumeysan yahay inay ka fiirsanayaan inay xiisahooda u beddelaan Rice, iyadoo 23-sano jirkaan laga yaabo inuu ka tago garoonka London Stadium inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, tababaraha Liverpool Klopp ayaa si weyn ula dhacsan xiddiga heerka caalami ee dalka England, kaasoo xagaagii hore lagu qiimeeyay 150 milyan ginni.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan