Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo dooneysa saxiixa goolhayaha Manchester City Joe Hart

Liverpool oo dooneysa saxiixa goolhayaha Manchester City Joe Hart

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa indhaha ku heysa saxiixa goolhayaha Manchester City Joe Hart, waana layaab haddii ay qandaraas ka saxiixato.

Waxaa la tuhunsan yahay in goolhayaha Barcelona ter Stegen uu u soo dhaqaaqi karo Etihad, Macallin Guardiola ayaana indhaha ku haya inuu laacibkan soo qaato.

Doonista macallin Guardiola ee wiilka reer Jarmal Marc-Andre ter Stegen ayaana mugdi gelinaya mustaqbalka fog ee Etihad uu ku leeyahay Joe Hart.

Sida ay ku warameyso France Football macallin Jurgen Klopp ayaa indhaha ku haya in xasilooni daradaa uu ka faa’ideysto.

Simon Mignolet ayaa iminka ah goolhayaha koowaad ee kooxda Reds, hayeeshee wiilka reer Belgium xagaagan qaladaad badan ayuu galay, waana sababta macallin Klopp uu bedelkiisa u daydayanayo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan