Himilo FM – Kooxda Liverpool ayaa daneynaysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Thorgan Hazard.
Jurgen Klopp ayaa si xooggan u daneynaya laacibkaan laakiin waxay u muuqataa in ninka Jarmalka u dhashay ku adag tahay inuu ku qanciyo Hazard imaanshaha Anfield.
Sida laga soo xigtay Liga Financia, Liverpool ayaa diyaar u ah inay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska oo ah 26 milyan oo ginni, kaasi oo la sheegay in lagu jebin karo qandaraaska xiddiga reer Belgium.
Thorgan oo ah walaalka xiddiga Chelsea ee Eden Hazard ayaa waxaa qandaraaskiisa ka harsan 18 bilood, taasina waxay u badan tahay inay keento in uu u dhaqaaqo kubadda cagta Ingiriiska haddii uu idlaado wakhtigiisa.
Hazard ayaa ku riyaaqay qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan horyaalka Bundesliga, iyadoo uu dhaliyay siddeed gool iyo lix caawin oo ka yimid 14 kulan.