Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Aaron Ramsey

Liverpool oo hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Aaron Ramsey

Muqdisho – Naadiga Liverpool ayaa dib u bilaabi doonta dedaalkooda ku aadan saxiixa Aaron Ramsey kaddib markii Reds ay ku guuldarreysatay inay xagaaga dalab u dirto ciyaaryahanka khadka dhexe.

Go’aanka naxdinta leh ee ‘Unai Emery’ ee ku aadan wadahadalka qandaraaskiisa Ramsey ayaa la micno ah in xiddiga reer Wales ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo koox cusub bisha Janaayo ama xagaaga soo aadan.

Heshiiska Ramsey ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana xiddiga Arsenal uu xor u yahay inuu la hadlo kooxaha kale marka uu furmo suuqa kala iibsiga cayaartoyda.

wargeyska Mirror ayaa sheegay in  Jurgen Klopp  uu ku guuldaraysatay isku daygiisii ahaa inuu Ramsey ku biiriyo Liverpool xagaagii lasoo dhaafay, laakiin Reds ayaa dib u cusbooneysiin doonta xiisahooda.

Liverpool ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa Ramsey, 27 jirkaan ayaa ku faraxsan inuu ka hoos  ciyaaro Klopp.

Macalinka Jarmalka ayaa hore uga soo qaatay Gunners Alex Oxlade-Chamberlain oo ku biiray kooxda Liverpool xagaagii 2017.

Arsenal ayaa dooneysa inay iska iibiso Ramsey bisha Janaayo, maadaama aysan awoodi doonin inay  aqbalaan qiimaha  qandaraaskiisa  lagu kordhinayo ka hor inta uusan dhicin bisha June.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan