Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo ka hadashay Xaaladda dhaawac ee Emre Can

Liverpool oo ka hadashay Xaaladda dhaawac ee Emre Can

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa rajeynaya in uu noqdo mid sahlan dhaawac anqowga ah ee soo gaaray Emre Can kulankii League Cup kooxdiisa wajahday Burton.

Emre Can,oo kusoo bilowday ciyaartan kana mid ahaa afar isbedel oo kooxda Reds lusameeyay shaxdii ciyaartay kulankii Burnley Axadii, ayaa laga saaray garoonka 71 daqiiqo kulankii Liverpool ay 5-0 kaga badiyeen Burton wareega labaad ee League Cup-ka.

Klopp ayaa hore ayaana go’aansaday in uu ku bedelo xiddiga Germany ciyaaryahanka da’da yar ee Kevin Stewart.
waxa uu hadda sheegay in uusan wax fikrad ah ka heysan dhawaca iyo inta uu la egyahay, lakiin uu rajeynayo in uusan noqon mid halis ah.

Can, waxaa gaaray dhibaato, waxaan ka warsugi doonaa dhaqaatiirta kooxda iyo sida ay nooga warbixiyaan ayuu hadalkiisa ku daray tababaraha kooxda Reds Klopp.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan