Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo laga yaabo in ay wayso Sadio Mane kulanka Sabtida

Liverpool oo laga yaabo in ay wayso Sadio Mane kulanka Sabtida

Saxiixa cusub ee Liverpool Sadio Mane ayaa shaki weyn la galinayaa inuu qeyb ka noqdo kulanka ay Sabtida kooxdiisa u safreyso Burnley kadib markii dhaawac dhanka garabka ah uu kasoo gaaray tababarkii shalay.

Mane ayaa ku dhaawacmay isku dhac isagoo ku sugan Melwood, waxaana loo qaaday isbitaal si raajo loo saaro loona ogaado waxyeelada dhaawacaan.

Reds ayaa ka cabsi qabtay in xidigaan ay dhawaan kala soo saxiixdeen Saint uu garabka kala baxay, balse raajadii la saaray ayaa cadeysay in kaliya dhaawac dhanka muruqa ah uu jiro.

Mane oo 24-jir ah ayaan la fileynin inuu qeyb ka noqdo kulanak ay Reds marti ugu noqon doonto Burnley garoonka Turf Moor, balse kooxda Anfield ka dhisan ma rajeyneyso iney mudo badan weyso xidigaan xitaa hadii uu seego ciyaarta Sabtida.

Xidigaan reer Senegal ayaa dib ugu soo laabtay Melwood isagoo saxixyo siiyay taageerayaasha kooxda waxaana la arkay garabka oo u duuban, balse dhaqaatiirta kooxda Reds waxey sheegeen in dhaawaca xidigaan uusan aheyn mid sidaa u qatar badan.

Dhanka kalana da’yarka kooxda Sheyi Ojo ayaa isna mudo bil ah garoomada waayi doona kadib markii raajadii la saaray ay cadeysay inuu jab yar ka jiro dhabarka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan