Himilo – Liverpool ayaa dalab € 100m (£ 86m) oo ku aadan Federico Chiesa ay ku diiday Juventus.
23 jirkaan ayaa haatan amaah ugu ciyaara kooxda Juventus isagoo ka soo dhaqaaqay Fiorentina, laakiin Old Lady waxaa ku waajib ah inay heshiis joogto ah kula saxiixato dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
Labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester City ayaa lagu tiriyaa inay xiiseynayaan weeraryahankaan, kaasoo dhaliyay 14 gool isla markaana diiwaan geliyay 10 caawin 43 kulan oo uu saftay heerka kooxeed intii lagu jiray ololihii 2020-21.
Sida laga soo xigtay wargayska La Repubblica, Liverpool ayaa u soo dhawaatay kooxda Juventus iyada oo ku doonaysa lacag dhan 100 milyan oo euro (86 milyan oo gini) oo ay ku doonayso xiddiga reer Italy laakiin lagu wargaliyay in aanu iib ahayn duruuf kasta oo jirta.
Warbixinta ayaa sheegeysa in tababaraha Old Lady Massimiliano Allegri ee soo laabtay uu ku tilmaamay Chiesa ‘mid aan la gudbin karin’, halka xidigaha waa weyn ee kooxda ay ku raacsan yihiin mowqifka tababaraha.
Weeraryahankan boosaska badan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray guushii Talyaaniga ee Euro 2020, isagoo dhaliyay labo gool 7 kulan oo uu saftay, waxaana uu wacdaro ka dhigay finalkii tartankii ay ka horyimaadeen England.