Home / Habka-Nolosha / Liverpool oo qandaraas cusub ugu yaboohday macallinkeeda Klopp

Liverpool oo qandaraas cusub ugu yaboohday macallinkeeda Klopp

Milkiilayaasha reer Mareekan ee kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u bandhigay macallin Jurgen Klopp qandaraas cusub kaddib sagaal bil oo kooxda uu la joogay.

49 jirkaan reer Jarmal ayaa kooxda Reds geeyay xagaagii idlaaday labo Final oo kala ahaa League Cup iyo Europa League isagoo kolkaa kooxda maareynayay wax ka yar toddobo bilood.

Fenway Sports Group ayaa qorsheynaya inay wadahadal qandaraas kordhin ah u sameyso macallin Klopp iyadoo heshiiskiisa iminka uu ku eg yahay 2018.

Tababarahaan ku dhashay Stuttgart ayaa bishii October shaqada Anfield ka bedelay macallinkii hore  Brendan Rodgers.

Liverpool xagaagii tegay waxay ku dhameysatay booska siddeedaad ee kala horeynta horyaalka Ingiriiska, taa ayaa ka dhigan inaanay xagaaga cusub ku lug yeelan doonin tartamada Yurub, walow macallinkooda uu maareeyay inay kooxda kusoo biiraan afar cayaartoy oo kala ah  Marko Grujic, Joel Matip, Loris Karius iyo Sadio Mane.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan