Himilo – Liverpool ayaa la werinayaa in ay isku diyaarinayso in ay naadiga ka fasaxaan Georginio Wijnaldum sannadka soo aadan, iyaga oo hadda beddel ugu dhigaya Brighton laacibkeeda Yves Bissouma.
Wijnaldum ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona xagaagan. Barcelona hoggaamiyaheeda Ronald Koeman ayaa doonayay in uu Wijnaldum kula midoobo Camp Nou kaddib markii ay laba sanno iskala soo shaqeeyeen qaranka Dutch.
Si kastaba Liverpool ayaa hadda dooneysa soo qaadashada Brighton laacibkeeda Yves Bissouma kaasi oo loo arko beddelka ugu macquulsan Wijnaldum, waa sida ay werineyso Liverpool Echo.