Home / Cayaaro / Liverpool oo u dhaqaaqi doonta la soo wareegidda Jude Bellingham

Liverpool oo u dhaqaaqi doonta la soo wareegidda Jude Bellingham

Himilo – Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay soo bandhigtay qorshaheeda ku aadan saxiixa Jude Bellingham oo ka tirsan Borussia Dortmund.

Reds ayaa ku dhibtooneysay seddexdii kulan ee furitaanka, iyagoo helay labo dhibcood ka hor inta aysan 2-1 kaga badin Manchester United Isniintii.

Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay raadineyso saxiixa ciyaaryahan kale oo khadka dhexe ah, hala Bellingham la xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Anfield.

Sida laga soo xigtay The Express, Liverpool ayaa isku dayi karta inay la soo wareegto Bellingham.

Si kastaba ha ahaatee, Dortmund ayaan dooneynin inay iska iibiso Bellingham, kaasoo kusoo bilowday dhamaan afartii kulan ee ugu danbeysay ee kooxda xilli ciyaareedkan, waxaana qandaraaskiisa uga harsan seddex sanno.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan