Himilo – Liverpool ayaa ku dhawaaqday in xiddigeeda Harvey Elliott uu heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa kaas oo gaaraya ilaa xagaaga 2027.
19-sano jirkaan ayaa dib ugu soo biiray safka koowaad ee Jurgen Klopp ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii canqowga ahaa xilli ciyaareedkii hore.
Elliott ayaa ciyaaray kaliya 11 kulan oo heersare ah tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee kooxda FA Cup-ka kulankii Cardiff City.
Warka ku saabsan heshiis kordhinta Elliott ayaa soo baxay subaxnimadii Khamiista, Liverpool ayaana haatan xaqiijisay in da’yarka uu qalinka ku duugay heshiis cusub.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ku soo bilowday kulamadii Burnley, Chelsea iyo Leeds United xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan gelin qolka daawaynta.