Himilo – Kooxda Leverpool ayaa xaqiijisay inuu ku soo biiray weeraryahanka reer Colombia ee Luiz Diaz kaas oo kaga yimid naadiga Porto.
25 jirkan ayaa heshiis dheer oo shan sano ah u saxiixay Reds. Wuxuu Anfield ku xiran doonaa funaanadda lambarkeedu yahay 23.
Porto ayaa la soo weriyay inay Diaz ka heshay adduun lacageed gaaraya £50m. xiddigan ayaa Porto u dhaliyay 41 iyo 19 caawin 125 kulan oo uu u saftay.
Da’yarkan reer Colombia ayaa markii hore loo maleynayo inuu ku wajahan yahay Tottenham Hotspur balse ugu danbayn wuxuu u dhaqaaqay Liverpool.