Himilo –Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay saxiixa Harvey Elliott oo ay kala soo wareegeen kooxda Fulham.
Da’yarka garabka ka ciyaara ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markii uu kasoo muuqday kulankii ay la ciyaareen Wolves isagoo jira 16 sanىo iyo 30 maalmood.
Elliott ayaa guud ahaan seddex kulan kasoo muuqday kooxda Cottagers intii lagu guda jiray ololaha 2018-19, wuxuuna soo jiitay xiisaha Real Madrid iyo RB Leipzig.
Laakiin Liverpool ayaa ku guuleysatay loolanka loogu jiro saxiixa Elliott, waxayna xaqiijisay subaxnimadii Axadda maanta ah in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu yimid Anfield isagoo ka soo tagay galbeedka London.
Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid noqon doona kooxda Liverpool ee maanta ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doonta kooxda Napoli ,waxa uuna ku biiray xerada tababarka ee Evian.
Elliott ayaa noqday saxiixii labaad ee Liverpool ee xagaagan kaddib markii da’yarka Sepp van den Berg uu heshiis £ 1.3million ah ugu dhaqaaqay Anfield horraantii bishan.