Himilo – Wiil lix jir ah oo u dhashay dalka India ayaa galay diiwaanka buugga dhacdooyinka dunida ee Guinness World Record, kaddib markii uu helay shahaado loogu aqoonsanayo da’yarka ugu yar caalamka ee naqshadeeya computerka.
Arham Om Talsania, ayaa ka gudbay tijaabada imtixaamka Microsoft oo lagu qaaday xarunta Pearson VUE halkaasi oo lagu tijaabiyo dadka ku habboon habeynta computerada.
“Aabbahey waxa uu i baray sida loo habeeyo computerka. Waxaan bilaabay isticmaalka tablet-ka markii aan laba sano jir ahaa. Seddex jirkeygii waxaan soo iibsaday waxyaabaha lagu sameeyo computerada. Kaddib waxaan ogaaday in aabbo uu ka shaqeenayay xarunta Python,” ayuu Talsania u sheegay ANI News.
“Markii aan helay shahaadada ay bixiyaan xarunta Python, waxaan sameeyay geemam yar-yar, kaddib waxay iga codsadeen in aan u diro caddeynta wixii aan sameeyay. Bilo yar uun kaddib waa ay ansixiyeen, waxayna i siiyeen aqoonsiga Guinness World Record”. Ayuu sii raaciyay.
Guinness ayaa ku dhawaaqday in barbarkaan loo aqoonsaday qofka ugu yar dunida ee ku wangaasan naqshadeynta computerka.
The other is good cholesterol buy cialis online uk FOR INJ INF 10MG WARNER LAMBERT UK LIMITED UNITED KINGDOM