Home / Habka-Nolosha / Loic Remy Oo Si Amaah ah ugu biiray Crystal Palace.

Loic Remy Oo Si Amaah ah ugu biiray Crystal Palace.

Crystal Palace ayaa ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka Loic Remy oo ay si amaah ah muddo hal xilli ciyaareed kaga soo qaateen kooxda Chelsea.

weeraryahanka France ayaa u dhaqaaqay  Selhurst Park ka dib markii uu fursad ka waayay kooxda ku ciyarta garoonka Stamford Bridge.

Palace ayaa kusoo qortay Twitter-keeda: waxay ku faraxsan tahay saxiixa amaahda ah ee Loic Remy kasoo noqon doona muddo hal xilli ciyaareed ah.”

Chelsea ayaa ku soo qorray website-keeda: “Loic Remy wuxuu xilli ciyaareedka 2016-17 amaah ku qaadan doonaa kooxda ka dhisan London ee Crystal Palace.

“29-sano jirkaan, ayaa muddo laba sano ah katirsanaa kooxda Chelsea, waxaana uu ahaa inta badan mid ka ciyaarayay kursiga keydka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan