Home / Cayaaro / Loris Karius oo Liverpool kaga tegaya si amaah ah

Loris Karius oo Liverpool kaga tegaya si amaah ah

Himilo – Goolhayaha Liverpool ee Loris Karius ayaa la werinayaa in uu ku dhow yahay in uu si amaah ugu dhaqaaqo kooxda.

27-jirkaan ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku qaatay kooxda Turkiga ka dhisan ee Besiktas, laakiin heshiiskiisa ayaa hakin lagu sameeyay sabab la xiriirta dhinaca mushaarka.

Sida ay ku warrameyso Goal.Com, goolhayahaan u dhashay qaranka Jarmalka, ayaa si amaah ah ugu dhaqaaqi doona naadiga Union Berlin, iyagoo ku garaacaya qaadashadiisa kooxda ay xafiiltamaan ee Hertha Berlin iyo naadiga ka dhisan Ligue 1 ee Montpellier.

Xiddigan waxa uu qandaraaskiisa Liverpool ku egyahay sannadka 2022.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan