Home / Macluumaad / Loungi: Ninkii dhulka oomanaha ahaa u rogay aaran

Loungi: Ninkii dhulka oomanaha ahaa u rogay aaran

Himilo – Dadka raacdada ugu jiro ka dhabeynta riyooyinka adag, waxey dadku badi ku tilmaamaan inay yara waalan yihiin, si la mida Luango oo ku nool degamada abaaruhu la degeen ee Gaya ee bariga Hindiya.

Loungi Bhuiya, waxa uu billaabay inuu qodo kanaal biyaha ka keeni kara isha ugu dhaw, balse dadkii degaanka ayaa ku tilmaamay ruux waalan maadaama uu isku dayayo inuu aaran ka dhigo dhul oomane ahaa qarniyaal.

Waxaa ka tegay afartii wiil ee uu dhalay, kuwaas oo degaan ka dhigtay dhul barwaaqeysan, walise waxa uu Bhuiya ku jiraa ka dhabeynta riyadiisa. 22 sano kaddib waxa uu ku guuleystay in degmada Gaya ay hesho kanaal waraabka loo adeegsado oo uu gacantiisa ku qoday.

“Waan maqlayay waxa ay i leeyihiin, waxaan is iri haddii uu sameyn karo sababtee aadan adiguna u sameeyn karin, waxey u maleeynayeen inaan waalanahay” ayuu Loungi Bhuiya u sheegay Al Jazeera.

Vishnupat Bhokta, hogaamiyaha Gaya ayaa rumeysan in Bhuiya uu u dhabar adeegay caqabado dhowr illaa ugu danbeyntii oo keynta u dhaw degaanka kasoo jeexo kanaal biyood, sida ay warisay the Tribune of India.

Loungi Bhuiya, oo hadda 70-jir ah waxa uu maalin waliba nadiifiyaa kanaalkan dhirirkiisu yahay mitir iyo 22 centi.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan