Home / Macluumaad / Lubnaan: Qoysas badan oo iibsan la’ afurka

Lubnaan: Qoysas badan oo iibsan la’ afurka

Himilo – Qoysas badan oo muslimiin ah kuna nool Lubnaan ayaa wajaha dhaqaale la’aan gaarsiisay inaysan iibsan Kari waayaan affurka bisha ramadaan, qiimaha cuntada ayaa sare. Dhaqaalaha waddanka ayaa ku jira hoos u dhici ugu xumaa toban sano gudahood.

“Qiimaha quutul yowmka aad ayuu kor u kacay bishan Ramadaan, saxanka cannsalaatada ah lix jeer in ka badan ayuu kor u dhacay sannadkan. Um Ahmed oo deggan Beirut ayaa sidaas u sheegay Al Jaziira.

“Maxaan sameynaa? Ma tuugsanaa? Umaanan baran dawarsiga.”

Marka laga tago dadka wajahaya cunno xumada, weriye Jazeera uga oo warranta Beirut waxay sheegtay in geesta kale ay jiraan kumaan qoys oo walwalkaa ka war la’ oo ku hawlan dhigashada munaasabado tamashle ah.

Sicir barar dhanka lacagta ah ayaa ka jira oo xaaladda sii adkeeyay. Badeecada waxay uga timaadaa dibadda balse waxaa jira hoos u dhac ku yimid imaanshaheeda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan