Home / Cayaaro / Luis Felipe Vieira: “Benfica ma iibin doonaan Joao Felix.”

Luis Felipe Vieira: “Benfica ma iibin doonaan Joao Felix.”

Madaxweynaha Benfica Luis Felipe Vieira ayaa u muuqda in uusan iibin doonin xiddiga  Joao Felix marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Felix ayaa ka soo muuqatay saaxada suuqa ee Europe, xilli laacibkaan uu dhaliyey 16 gool iyo siddeed caawin kaddib markii uu dheelay 28 kulan.

Naadiyo badan oo magac ku leh qaaradda Yurub ayaa bartilmaameed ka dhigtay 19 jirkaan sida Manchester United, Liverpool iyo Juventus laakiin waxa ay u muuqataa in Vieira uusan dooneynin in uu beeciyo xiddigaan.

Vieira ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda: ” Benfica waxay sameyn doontaa wax walba si aysan cidna uga tegin kooxda.”

Felix ayaa haatan qandaraaskiisa lagu burburin karaa € 120m  oo u dhiganta £ 103.71m, laakiin Benfica ayaa dooneysa in ay sii kordhiso bilaha soo socda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan