Himilo – Luka Modric ayaa go’aansaday in inta ka dhiman xirafaddiisa ciyaareed uu ku dhammeysto Real Madrid isaga oo sheegay in uu ku qanacsan yahay wadashaqeynta uu la leeyahay tababare Zinedine Zidane.
Xiddiga qaranka Croatia ayuu dhacayaa heshiiskiisa Bernabeu dhammaadka fasalkan, iyadoo wixii ka danbeeyo bisha January uu kooxda kaga tegi karo si bilaash ah.
Madrid ayaa la rumeysan yahay in ay furayaan wadahadallo ay la galayaan Modric, taasi oo ku aadan muddo kordhin inkasta oo uu xiiso kaga imaanayo dhowr koox sida Inter Milan iyo Tottenham Hotspur.
“Waxaan doonayaa in aan kooxda caawiyo. Waxaan sheegay wax badan, waana ku celinayaa mar kale. Waxaan aad ugu faraxsannahay Madrid, waxaan jeclaan lahaa in aan xirfaddeyda halkaan kusoo idleeyo”.
Luka Modric ayaa kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan naadiga Real Madrid isaga oo tiro koobab ah la qaaday kooxda iyo abaal marinno shaqsi ah sida Ballon d’Or.