Home / Macluumaad / Ma heli karnaa da’yar midaysan?

Ma heli karnaa da’yar midaysan?

Muqdisho – In la kufo lana kaco waa arrin sahlan, sababtoo ah ruux aan kufin maba kaco, taasi waxa ay daliil muuqata u tahay in guul daradu na tusto guul, guushune ma timaado adiga oo aan guul dareysan.

Waxaan aheyn waanba aheynne hadda maxaynu nahay, sideen uga gudbi karnaa Caqabadaha noo diidan inaan hanano maqaamkii aan bari lahayn balse sababteeda aanu inagu leenahay.

Dhalinyaradu waa awood aan la loodin karin oo kaalin mug leh ka qaata horumarka dalalkooda, waxaana taas tusaale inoogu filan 13 dhalinyaro ee S.Y.L, kuwaas oo sabab u ah Alle ka sokow Xurnimada maanta aanu ku naalooneyno.

Maalin uun makugu soo dhacday inaad is-weydiiso  waxa u diidan dhalinyarada Maanta iney kaalintooda ka soo baxaan. Hubanti, haa, Dabcan waa arrimo dhowr ah oo is biirsaday, kuwaas oo intooda badan aan arag muhiimada iyo faa’iidada inoogu jirta qaran la baratami kara asaagiisa maanta.

Qaran jabkii innagu dhacay kaddib Waxaa looga faa’iideystay dhallinta in lagu shido colaadaha sida dagaalada, taas oo xagal daacisay kaalintoodii kaga aadaneyd samata bixinta dalka iyo dadkooda.

Waxa jira dhowr urur dhalinyaro kuwaas oo ka dhisan gudaha dalkeenna ,hayeshee ma’ahan kuwo mideysan waa caqabad kale oo dhalinta hortaal. Tafaraaruqa dhalinyarada waxa uu qeyb ka yahay dibu dhaca na haysa ee aan la tiigsan la’nahay halka aan rabno, hubaal haddaanu helin awoodda dhalinyaradeenna mar walba waa la tabi doonaa.

Bulshadeenna Soomaaliyeed waxa ay tiraahdaa ‘‘Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan’’ taas waxa ay tahay in wadajir aan wax ku qabsan karno, balse tafaraaruqu waa tagoog jabka yoolkeenna mustabalka.

kala duwanaanshaha aragtiyada dhalinyarada waa mid jirta oo loo baahanyahay in lagu dabaqo hal-fekir ah,  sideen ku midownaa oon ku horumarinaa Wadankeenna?

Waxaan aaminsanahay in wax badan is bedeli karaan haddii dhalintu midoobaan oo ay yeeshaan hadaf dal dhisid ah oo ay ku dheehantahay fir-fircooni iyo ka qeybqaadashada howl iskaa wax u qabso ah.

Nin jecleysiga iyo Qabyaaladeynta qabiilka iyo walxo kale oo badan ayaa ah inaha inoo diidan inan gaarno asaageen madama barbaartu tahay awood aan la loodin karin maan iyo muruqba.

Gunaanad

Waxaan shaki ku jirin in ruux kasta oo dhalinyaro ah uu sameystay qorshe uu ku horumarinayo Nafsadiisa, balse waxan dareensanahay iney yartahay ruux maankiisa galiyay qorshe uu isleeyahay dalkaaga waad ku horumarin kartaa, taas waxa ay ina tuseysaa ka dhallinyaro ahaan ineynu ku baraarugsaneyn miraha naga dambeeya.

Cududda dhalinyaradeenna waa kuwo awood u leh iney na gaarsiiyaan guulaha uu waddan gaaro kuwa ugu waa weyn, taas oo suurtagal noqoneysa inaan marka hore u midowno mustaqbalka wadankeenna.

Waa la joogaa waqtigii aan dhiggeen la baratami lahayn, hase ahaatee waa weli inta aan la’nahay awooda dhalinyaradeenna.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan