Himilo FM – Waxay jawaabteedu haa noqotay oo ku kacday ficilkan fogaanshaha mudan Ilham Cahyani oo 25 jir ah, waxaa gacanteeda ku baxay xaajigeedii oo isna jiray 26 sano kadib markay gubtay.
Si nabad ah ayay qoyskan ugu waa-bariisteen hoygooda oo ku yaal Indonesia gaar ahaan Pandanwangi, waxaa dhex maray muran wax fudud ka bilowday kaas oo dhimasho u horseeday odaygii reerka Dedi Purnama.
Purnama waxa uu dayac-tirayay saqafka guriga. isagoo hawsha wada Cahyani waxay waydiisay inuu u sheego lambar sireedka telefoonkiisa oo ay haysay. Balse Dedi waa uu diiday inuu la wadaago malaha isma laheyn dhib ayaa ka dhalanaya, waxaa xigay muran kulul oo dhexmaray labadooda.
Intii uu socday muranku, waxaa soo dagay Dedi oo u gacan-qaaday afadiisa. ooridii ayaa degdeg gacanta ugu dhigtay daasad baasiin ah, waxay durba dareerihii ku shubtay saygeedii dabadeedna waxay qabadsiisay dab sida laga soo xigtay madaxa police East Lombok.
“ Waxaan ku oradnay guriga lamaanaha kadib markaan aragnay dhibanaha oo gubanaya, daminta dabka qabsaday marxuumka ayaan isku hawlnay, Mr Purnama waxaa loola cararay isbitaalka Keruak Health Center, halkaa oo uu ugu dhintay waxyeeladii dabka”. Sidaa waxaa yiri Oji oo goob jooge ahaa.
Dadka deriska la ahaa qoyskan dhibku qabsaday police ayaa su’aalo ka weydiinaya dhacdada, geesta kale Ilham waxaa lagu hayaa saldhiga, waxaa socota hawsha baarida, Weli ma cadda waxay mudan doonto Ilham.