Home / Macluumaad / Ma kugu bixi laheyd in aad seexato guri ay ku hareereysan yihiin 77 libaax?!

Ma kugu bixi laheyd in aad seexato guri ay ku hareereysan yihiin 77 libaax?!

Himilo FM – Guriga libaaxa, waxa uu ku yaalaa bartamaha keyn dabiici ah oo dhacda dalka Koofur Afrika, waxaa kireysta dalxiisayaasha, waxaa ku hareereysan 77 libaax oo waa-weyn. Bal ka waran haddii gurigan lagu yiraahdo seexo? Markaad joogto aqalkan waxaa wehel kuu ah reenka libaaxyada, waxa keliya ee idin dhaxeeya waa siligga yar ee ku wareegsan guriga.

Hoyga libaaxa waa mid ka mid ah hantida ugu qiimaha badan ee u diiwaan gashan Airbnb, waxaa dhistay hay’adda daryeelka duur-joogta ee GG Conservation.

“ Martidu waxay ku dhex noolaan kartaa libaaxyada, iyagoo u kuur galaya noocyadooda,” agaasimaha GG Conservation ayaa sidaa u sheegay mareegta Mail Online. “ waxay daawan karaan hab dhaqanka dabiiciga ah ee libaaxa sida isla weynidooda oo ah arrin xiiso leh.  Waxaan nahay hay’ad aan faa’iido doon aheyn waxaa u taaganahay inay amaan gelino libaaxyada,”.

“ Marnaba libaaxa kama fogaaneysid wax ka badan shan mitir markaad gurigan degan tahay, balse kireystaha waxa uu badbaadadiisa uga mahad celinayaa deyrka ku wareegsan oo ah mid elektaroonik ah, sidaa darteed waxaad daaradda guriga ku qabsan kartaa Sab, iyagoo libaaxyadu ay ku daawanayaan,”  Suzanne Scott ayaa sidaas ku daray hadalkiisa.

Guriga libaaxa waxaa  degi kara lix qof, waxa uu leeyahay saddex qol oo jiif ah, habeenkii waxaa lagu degaa $104 oo Doolar, balse waxaa is weydiin mudan sidee ayey hurdo kaaga imaaneysaa adiga oo ay kugu hareereysan yihiin 77 aar oo guuxaya?.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan