Home / Habka-Nolosha / Ma kugu soo dhici laheyd inaad geed fuusho si aad booliska uga badbaado?

Ma kugu soo dhici laheyd inaad geed fuusho si aad booliska uga badbaado?

Himilo – Roody Thomas  oo 44 jir ah wuxuu maalmo saarnaa geed ku dhinac yaalla gurigiisa si uu uga fogaado inay ciidamada booliska Mareykanka xiraan.

Ku dhawaad saddex maalmood ayuu fuushanaa geedka, wuxuu ku qeylinayay inuusan dooneynin inuu xabsi galo, sida laga soo xigtay telefishinka ABC.

Ciidamada ayaa isku dayay habab kala duwan oo ay ku soo dejinayeen. Waxay adeegsadeen cod baahiyaal, Daroon iyo dhex-dhexaadiyaal.

Dadka loo diray inay ku qanciyaan inuu soo dago waxaa ka mid ahaa walaalkii oo ay boolisku u sheegeen inaan la waxyeelleyn doonin balse la baxnaanin doono caafimaadka maskaxdiisa.

Ugu danbeyn booliska ayaa gacanta ku soo dhigay, waxay sheegeen in ninkan loo geysto dacwado ay ka mid yihiin inuu feeray haweeneyd 50 jir ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan