Ma xiran lahayd Suudh ka samaysan timaha shaaribaha ragga ?

Himilo – Iyada oo qayb ka ah Movember-ka sanadkan, astaanta dharka ragga ee Australiyaanka ah ee Politix waxay la midowday farshaxan-yaqaanka Pamela Kleeman-Passi si ay u abuurto suudh u gaar ah iyadoo la isticmaalayo timaha shaarubaha ragga.

Movember waa dhacdo sanadle ah oo ku dhiirigelisa ragga adduunka oo dhan inay koriyaan shaarubaha bisha November si kor loogu qaado wacyiga dhibaatooyinka caafimaad ee halista ah ee ragga, sida kansarka qanjirka ‘prostate’ iyo kansarka xiniinyaha.

Sannadkan, Politix wuxuu go’aansaday inuu sameeyo wax gaar ah oo loogu talagalay Movember, ugu dambayntii waxa la go’aamiyay suudka ragga ee la xiran karo in la sameeyo iyadoo la isticmaalayo timo shaarbo sax ah. Waxa ay noqotay mid ka mid ah suudhadhka ugu quruxda badan ee sida ay qabaan.

Dharka loo yaqaan ‘Mo-Hair suit’ ayaa laga sameeyay dhar gaar ah oo ay samaysay farshaxan-yaqaanad fadhigeedu yahay Melbourne Pamela Kleeman-Passi, taasoo sabab gaar ah u lahayd ka qaybgalka mashruucan, maadaama ninkeeda uu u dhintay kansarka qanjirka ‘prostate’ iyo mindhicirka. Sannadkii 2016.

Passi waxa la siiyay dhammaan timaha shaaribada lagama maarmaanka ah oo  ururisay Sustainable Salons, barnaamijka dib u warshadaynta timaha salon-nada  kuwaas oo laga soo ururiyay meelo kala duwan, dad aan kala sooc lahayn ayaa bilaabay inay u diraan xirmooyin timaha shaarubaha ah.

Farshaxanistaha Melbourne ayaa timaha shaarubaha iyo cudbiga isku daray si uu u sameeyo maradan asalka ah, ka dibna waxa loo gudbiyay maareeyaha naqshadaynta Politix Paul Burden oo dib usii habeeyay . Si looga fogaado cuncunka sida caadiga ah ee la xidhiidha timaha maqaarka, Politix waxay soo saartay suudhka waxayna u daabacday dhowr qof.

“Markay timuhu madaxaaga saaran yihiin, waxay u muuqdaan kuwo qurux badan. Laakiin marka ay jidhka ka baxdo isla markaaba waxay noqotaa wax laga yaqyaqsado, wax laga xumaado,” ayay tidhi Pamela Kleeman-Passi

Suudhka Mo-Hair maaha mid ganacsi ahaan la heli karo, sida cad, laakiin yaa rabi lahaa inuu xidho suudh ka samaysan timo bini’aadam ah si kastaba?

Haddii aad xirato dhar ka samaysan timaha bini’aadamka, iska daa timaha shaarubaha, oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado, laga yaabee in dharka timaha eyga ka samaysan yahay aad u sii jeeddo.

W/Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan