Himilo – Sannad kasta 17-ka July dadka dunidu waxay u dabaaldegaan maalinta caalamiga ah ee caddaaladda adduunka , maalintan ayaa loo qoondeeyay kor u qaadista caddaaladda dembiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka dembiilayaasha gala dembiyada waaweyn ee saameeya bulshada caalamka.
Taariikhda Maalinta Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa laga soo qaatay 17 July, 1998, oo ah markii la ansixiyay Xeerkii Rome, ee bud-dhiga u ahaa aasaaska Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).
Xeerka Rome ee dhaqan galay July 1, 2002, ayaa bixiyay aasaaska sharciga ah ee maxkamadda. Maxkamadda ICC waxaana xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands, waxayna u shaqeysaa si ka madax banaan Qaramada Midoobay.
ICC waa maxkamada caalamiga ah ee ugu horeysa ee dacweeysa shaqsiyaadka ku lugta leh xasuuqa, dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada, dambiyada dagaalka iyo dambiyada xad-gudubyada markii maxkamadaha qaranka ay ku guuldareysteen.
Human Rights Watch waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo dhibanayaasha iskahorimaadyada iyo xasaradaha halakeeyay adduunka, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dhaqanka isla xisaabtan la’aanta uu sii hurinayo rabshadaha ka socda Gaza, Darfur, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Ukraine.
Warbixinteeda, oo ku soo beegantay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka, oo ku beegan 17-ka Luulyo, oo ah taariikhda ansixinta heshiiskii aasaaska Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, ayaa hay’addu ku baaqday in la bixiyo caddaalad madaxbannaan oo dhexdhexaad ah Dhibanayaasha loo geystay dambiyada caalamiga ah, iyadoo aan loo eegin meesha lagu galay iyo cidda ay ka tirsan yihiin, iyadoo xustay in cadaaladda maanta ay dunidu ku sugan tahay tijaabo muhiim ah.
Waxay sheegtay in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada caalamiga ah ay soo saartay afar waaran oo lagu soo xidhayo tan iyo bishii January 2024 iyada oo la eegayo baadhitaankeeda Ukraine, waxaanay daaha ka rogtay waaran laga soo bilaabo 2017 kii kaas oo la xiriira dagaalka baaritaannadii ay ka waday Mali, iyada oo dacwad oogaha guud uu wali codsanayo waaran qabasho oo ka dhan ah Laba sarkaal oo sare oo Israa’iil ah, oo mid ka mid ah uu yahay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo 3 hoggaamiye oo Xamaas ah ayaa xayiran.
Hay’addu waxay sheegtay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay weerar kala kulmayso Ruushka, kaddib markii ay soo saartay amar lagu soo xirayo Madaxweyne Vladimir Putin sannadkii 2023-kii, waxayna tilmaantay in sharci-dajiyayaasha Mareykanka ay dhawaan hormuud ka ahaayeen dadaallo lagu cunaqabataynayo maxkamadda iyo mas’uuliyiinteeda taasoo ka dhalatay, Codsiga xeer ilaaliyaha guud ee ah in la soo saaro amar qabasho oo ka dhan ah saraakiisha sarsare ee Israel.
Isku dhacyada iyo xasaradaha dunida maanta ka jira ee Darfur, Gaza, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Ukraine ayaa muujinaya sida dhaqanka isla xisaabtan la’aantu uu huriyo rabshadaha Maaddaama ay dunidu wajahayso xaaladahan degdega ah, waxaa lagama maarmaan ah in caddaaladda loo helo dhex dhexaadnimo iyo madax bannaani dhibanayaasha dambiyada caalamiga ah ee halista ah, iyadoo aan loo eegin meesha dambiga ay ku galeen iyo cidda ay yihiin.
Wadamada leh heerka faqriga sare iyo shaqo la’aanta sare waxay u muuqdaan inay leeyihiin heerka dambiyada ugu sarreeya, Wadamada ay ka jiraan dambiyada ugu badan waxaa ka mid ah El Salvador, Jamaica, Honduras, Belize, South Africa, iyo Lesotho.
Taas beddelkeeda, waddamada leh xaalad nololeed oo wanaagsan iyo dhaqangelin ku filan oo booliis ah waxay u muuqdaan in heerka dambiyadoodu ay aad hooseeyaan.
Xukunada adag waxay kaloo gacan ka geystaan hoos u dhigida tirada dembiyada la galo, waxaana taas laga garanayaa xasiloonida dalalka sharciyada adag leh, ee heerka dambiyada uu hooseeyo sida Iceland, New Zealand, Portugal, Austria, Denmark, iyo Kanada.
