Home / Arrimaha Bulshada / Maalinta Caalamiga ah ee Dadweynaha

Maalinta Caalamiga ah ee Dadweynaha

Sanadkasta maanta oo kale waxaa Dunida laga xusaa maalinta Caalamiga ah ee dadweynaha,waxaana la sameeyaa jaantuska kororka tirada dadka ee Caalamka.

Sanadkan Isbeddelka tirada dadka ee Caalamka ayaa ka duwan kii sanadkii hore maanta oo kale laga xusay Adduunka.

Tirada Dadka ee Caalamka ayaa Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay gaartay 8Bilyan oo qof, Hindiya ayaana ka hormartay Shiinaha oo noqotay dalka ugu dadka badan Adduunka.

Tiradan 8Bilyan ah waxaa ay saddex laab ka badan tahay halkii ay ahayd tirada Dadka Adduunka Sanadkii 1950kii markaas oo ay tiradu ahayd 2.5Bilyan oo kaliya.

Jaantuska iyo abla ableynta sanadka 2050ka,waxaa ay  muujineysaa in tirada dadka gaari doonaan 9.7 bilyan oo qof.

Hindiya sida ka muuqata Saadaasha waxaa ay ku jiri doontaa kaalinta 1aad, China ayaa ku jiri doonta kaalinta 2aad,halka Nigeria oo Afrika ka socota ay geli doonto kaalinta 3aad.

Waxaa tiro ahaan ku xigi doona Mareykanka,Pakistan, Indonesia, Brazil, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC, Itoobiya iyo Bangaladesh.

Afrika waa qaaradda ugu badan ee ay kobcayaan dadkeeda,waxaana ugu horreeya dalalka kala ah; Niger, Uganda, DRC, Angola, Chad, Mali iyo Somalia, oo dadkoodu kordhayaan wax ka badan 3%.

Dhinaca kale tirada dadka dhimanaya ayaa kor u kacay tan iyo 2019kii faafiddii Karoonaha iyo dagaallada Dunida ka aloosan,waxaana geeriyooday 58 milyan  2020, 63 milyan  69 milyan 2021 iyo 67 milyan oo geeriyootay 2022kii.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan