Himilo – Maalinta Caalamiga ah ee Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, waxaa loo dabaal degaa 29 May sannad kasta, waa maalin maamuus loogu sameynayo shaqaalaha sida hagar la’aanta uga qeyb noqday in dal kale ay amni ka dhigaan, in ka badan 4,000 oo nabad ilaaliyeyaal ah ayaa naftooda ku waayey iyagoo ku hoos shaqeynayey calanka Qarramada Midoobay 130 sano ee lasoo dhaafay.
Sannadkan, caqabadaha iyo xaaladaha adag ee ay la kulmaan nabad-ilaaliyaasha way ka sii ballaaran yihiin wixii ay la kulmi jireen sannado kahor maadaama uu weli jiro cudurka COVID-19.
Halkudhegga Sannadkan waa “Wadada loo maro nabad waarta: Ka faa’iideysiga awoodda dhalinyarada ee nabadda iyo amniga.”
Maanta, tobannaan kun oo dhalinyaro nabad ilaalin ah (oo ay da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 29 sano) ayaa la geeyay adduunka oo dhan waxayna door weyn ka ciyaaraan ilaalinta dadka rayidka ah. Iyagoo gudanaya hawlaha loo igmaday ee Hawlgallada nabadeed ee Qaramada Midoobay.
Hawlgalkii ugu horreeyay ee nabad ilaalineed ee Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 29-kii Maajo 1948, markii Golaha Ammaanku oggolaaday in tiro yar oo kormeerayaal milatari ah oo ka socda UN-ka la geeyo Bariga Dhexe si loo sameeyo Ururka Qaramada Midoobay ee Kormeerka Xuduudaha (UNTSO).
Tan iyo markaas, in ka badan 1 milyan oo haween iyo rag ah ayaa ka soo shaqeeyay hawlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, iyagoo si toos ah u saameeyay nolosha malaayiin dad ah ayna badbaadiyeen dad aan tiro lahayn. Maanta, ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ugu diiwaan gashan ka badan 89,000 kuwaas oo isugu jira militariga, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah.