Home / Arrimaha Bulshada / Maalinta caalamiga ee afka hooyo

Maalinta caalamiga ee afka hooyo

Himilo – Maalinta caalamiga ee afka hooyo waxaa loo debaal-degaa 21 Febraayo sanad kasta si loo dhiiri-geliyo kala duwanaanshaha luuqadeed iyo midka dhaqan ee caalamka. Waa maalin loo aqoonsaday in lagu turxaan bixiyo afafka oo la aaminsan yahay inay sal dhig u yihiin horumarka la gaaro.

Maanta waxaa jira baraarug ah inay afafku door wayn ka qaataan ladnaanshaha, hubinta dhaqamada kala duwan, is dhex-galka umadaha, iyadoo la xoojinayo iskaashiga guud iyo ka qeyb-qaadashada tayayntooda iyadoo qofna aan laga tagayn.

Sannadkan waxaa hal ku dheg loo qaatay “xoojinta luuqadaha iyadoo si wada jir ah loo kaashanaayo waxbarashada iyo bulshada.”

Dejiyaasha siyaasadda, barayaasha, waalidiinta iyo qoysaska waxaa laga codsanayaa inay ka wada qeyb qaataan kobcinta afafka si aan kala har lahayn.

Fekradda xusidda maalinta waxaa la hayd dawladda Bangladesh. UNESCO ayaa go’aansatay sannadkii 1999 inay u xusto, QM ayaa soo dhaweysay sannadkii 2002 ugu dambayn 16 May 2007 Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in dawlaha xubnaha ka ah inay dhiiri-galiyaan oo ay ilaaliyaan afafka ay ku hadlaan dadyowga dunida.

Labadii toddobaad ee kasta luuqad ayaa baaba’da iyadoo la tagta dhaqankeedii. Ugu yaraan 6000 oo luqad oo dunida looga hadlo ayaa ku jira halis ah inay dabar go’aan sida ay sheegtay QM.

Keliya dhawr boqol oo af ayaa hoggaanka haya halka kuwii kale la hoos mariyay iyadoon loo adeegsan technolojiyadda casriga.

Afkeenna Hooyo waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu hodan luqadaha dunida hase yeeshee inta uu qoran waa muddo kooban marka loo eego afafka qaar, xilli uu madax la kacay oo uu u baahdaa barbaarin ayuu waayay dawladda u hiilisa.

Wuxuu noqday baylac u nugul afafka kale inay ku milmaan waxaa dool ku soo galay ereyo luqado kale kasoo xero dhaafay, qaar kale ereyada asal ah waxaa laga weeciyay macnahoodii rasmiga hala kuwo kale loogu dhawaaqo laxni.

Afka wuxuu leeyahay ahmiyad weyn waa astaan la isku aqoonsado, lagu wada xiriiro, abuurta isla jaan-qaad bulsho. Tiirarka sahla inay umadi yeelato dawlad waa ka qeyb luqadda. Hayaanka harumarka la beegsanayo waxaa fure u ah afka.

Helidda manhajkii ku dhignaa afka hooyo iyo in akeemiyadaha iyo bahda warbaahinta ay isla ogaadaan erey-bixinta habboon adeegsigeeda ayaa ah tallaabooyinka ugu mudan ee afku halhaleel ugu baahan yahay.

Balse inta dadaalladaas iyo wixii la halmaalaba ay dhalanayaan, afka hooyo wuxuu dhibane u noqonayaa afafka shisheeye oo ay bulshadiisu ka sara marinayso taas oo liifadda usii gaabinaysa hammigiisa ah inuu cagahiisa dib ugu istaago.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan