Himilo-Maalinta Magaalooyinka Caalamka waxaa sannadkii 2013-ka ku dhawaaqay Kal-fadhiga Guud. Taniyo markaas 31 October sanad kasta ayaa loo dabaal-degaa.
Markii ugu horreysay xuska Maalinta Caalamiga ee Magaaloobidda waxaa lagu qabtay Shanghai dalka Shiinaha 31 Oct sanadkii 2014. Waxaana halheys looga dhigay horseedka is-beddelka magaalooyinka.
Xilli dunida maanta ay wajahayso kororkii ugu ballaaran ee kobaca magaaloobidda taariikhda la hayo – halkaas oo malaayiin qofood ay kusoo shubmayaan magaalooyinka, waxay yeelayaan muuqaal aad uga fog sanadba sanadaha xiga.
Waana sababta keentay in QM ay maanta oo kale u aqoonsato maalin la is xusuusiyo waxa ka jira magaalooyinka.
Ku dhawaad 54% dadweynaha caalamku waxay ku nool yihiin magaalooyinka taas oo lasii saadaalinayo inay u sii guurayso 66% marka lagaaro sannadka 2050-ka.
Si kale marka loo yiraahdo, 60% in ka badan dhulweynaha caalamka waxaa lagu wadaa inay magaaloobaan marka la gaaro sannadka 2030-ka. Waxaana kol hore billowday sansaantii dhismayaashii lagu magaalayn lahaa.
Tirada dadweynaha ku nool magaalooyinka waxay kasoo sara kacday 3.9 bilyan sanadkii 2014-ka – halkii ay ka ahayd 746 milyan sannadkii 1950-kii, marka loo eego QM.
Marka lagaaro sannadka 2020-ka, kala bar dadka ku nool qaaradda Asia waxaa la filayaa inay ku noolaadaan magaalooyinka – halka qaradda Afrika loo badinayo 50% in muwaadiniinteedu ay ku noolaan donaan magaalooyinka marka la gaaro 2035-ka.
Reer miyiga ugu badan caalamka oo gaaraya 853 milyan waxay ku nool yihiin dalka Hindiya – waxaana soo labeeya Shiinaha oo ah 666 milyan.
Magaalooyinku laga yaabee inay hoy u noqonayaan tirada isasoo taraysa oo dadweyne ah, hayeeshe waxay oogada dhulka oo dhan kaga fadhiyaan 1%.
Haddii aan hadda lasii bilaabin tallaabooyin la iskugu dheelli-tirayo baahida xad-dhaafka ah ee ka jirta magaalooyinka iyo dadka oo ugu danbeyn kasoo dhamaanaya nolosha miyiga, saadaasha ah nuuca ay u ekaan doonaaan magaalooyinka ayaa ku sugan hubaal la’aan.
Is-bedellada cimillada iyo hab-wareega nololeed ee deegaanka waxaa gunta hoose ee xalkeeda laga anba-qaadi karaa sare u qaadista nolosha bulshooyinka sida qeyrul-caadiga ah uga soo fatahaya magaalooyinka.
Inaan qorshe loo sameynin tayaynta nolosha magaalooyiinka, waxay culeyska jira ee cimilada iyo wasaqoobidda hawada waxay liifadda usii gaabinaysaa in xal waara laga gaaro.