Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ee Tiyaatarka

Maalinta Caalamiga ee Tiyaatarka

Himilo — Maalinta Caalamiga ah ee Tiyaatarka waxaa markii ugu horreysay unkay Machadka Tiyaatarka Caalamiga sannadkii 1961. Farriinta sannadlaha ah ee ku jirta Dhambaalka maalintan waxaa qoray jean Cocteau taniyo sannadkii 1962-kii.

27 March sannadkii 1962 oo ku beegan daahfurka Tiyaatarka Quruumaha, Machadka Caalamiga ah ee Tiyaatarka waxaa kamid noqday in ka badan 85 xarumood oo dunida ah kuwaas oo sannad kasta u dabaal-dega doorka tiyaatarku ku leeyahay nolosha casriga.

Waxay sidoo kale maalintani dhiirri-gelisaa in goobaha wax-barashada sida koleejada iyo dugsiyada iyo xirfadyaqaannada tiyaataradu ay u dabaal-degaan.

Farriinta sannadkan ee Maalinta Tiyaatarka waxaa qortay Helen Mirren oo ah jilaa iyo hal-abuure.

Tiyaataradu waxay gu’yaal badan qeyb ka ahaayeen wacyi-gelinta iyo hanuuninta umaddaha. Waxaa loo arki jiray gole la iskugu gudbiyo farriimaha daljaceylka, guubabada waddaniga iyo sameynta sheekooyin iyo riwaayado dhacdooyinka nolosha iyo waayaha lagu jiro wax badan ka sheegaya taas oo jiilka soo aadan dhaxal ahaan ay ugala haraan kuwii ka horreeyey.

Waxaa kale oo tiyaataradu qeyb ka ahaayeen kobaca fanka guud ahaan iyo si gaar ah suugaanta oo lagu soo bandhigi jiray heesaha, cayaaro dhaqameedyada iyo wixii la halmaala.

Sida ay ula fal-gali jireen masrixiyaduhu ama tiyaataradu nolosha bulshada waxaad ka fahmi karaa riwayaadihii kala duwanaa ee lagu dhigi jiray kuwaas oo hadba wadciga lagu jiro wax weyn ka sheegi jiray sida Ruwaayadii Doob Qalanjadiisii gabay oo lagu muujinayay sida ragga Somaaliyeed ay uga caaganadeen guurka taas beddelkeedana ay u doorbidaan gaabsiga iyo wixii la midka ah.

Tiyaayarka Qaranka oo kamid ah kuwa ugu waaweyn taariikh ahaan tiyaataradda Afrika, wuxuu qeyb weyn kasoo qaatay horumarinta iyo xoojinta dhaqanka iyo hiddaha. Waxaana uu kamid ahaa geeddi-socodka taariikhda umadda Somaaliyeed. Laakiin, masraxiyaduhu aalaaba uma baahna in lagu soo bandhigo goobo cayiman sida tiyaatarada.

Dhismayaasha furan sida garoomada waxay sidoo kale qeyb ahaan qaadan jireen kaalinta doorka masraxa. Mahrajaannadii iyo ciyaarihii kala duwanaa ee lagu soo bandhigi jiray ayaana kamid ah fagaarayaasha dadweynaha iyo garoomada cayaaraha ayaana kamid ah. Waxaa kale oo xusid mudan in bandhig faneedkii ugu caansana oo dhulka Somaalida ka dhaca qarnigii tagay lagu dhigay Garoonka Muqdisho Stadium halkaas oo sannadkii 1987-kii lagu qabtay Bandhigii la magac baxay Muqdisho iyo Magool oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne aan tiro yareyn.

Si kale marka loo dhigo, tiyaataradu waxay ahaayeen kaabad isku xiraysa bulshada ku kala nool gobollada dalka – iyaga oo farriimo tusmeysan oo wacyigelin iyo madadaalo isugu jira waqtiyo iska daba dhow ay umaddu kala socon jireen masraxyada halkaas oo fannaaniinta hobollada Waaberi iyo hobolladii kale ay geyn jireen riwaayadaha.

Xattaa waqtiyadii adkaa oo dalku ku jiray gacanta kacaan kali-talis ah oo aanay jirn xuriyad warbaahineed, tiyaatarada waxaa lagu gudbin jiray heeso iyo riyaawayado ka turjamaya rayul caamka umadda iyo sida ay u dareemayaan taliska xukunka ku fadhiya.

Sidaas darteed, inta la oran karo doorka warbaahintu wuu ka dhaqan-galay dhulkeenna in la’eg kana saameyn badan waxaa laga faa’iiday tiyaatarrada. Burburkii dalka oo tiyaataradu kamid noqdeen goobihii ku dumay dagaallada, waxaa hakad galay wacyyigii bulshada iyo wax-isku sheeggii toosnaa oo loogu gudbin jiray bandhigga Tiyaatarka.

In la hirgeliyo tiyaatar waxay bulshada ka kaafinaysaa ku tiirsanaanta sheekooyinka aflaamta shisheeye kuwaas oo dhaqan ahaan kahor imaanaya waxa aynu nahay umad ahaan. Waxaana sahlanaanaysa bandhigga iyo soo saaridda sheekooyin iyo riwaayado Somaaliyaysan oo bulshadeenna ay ka helayaan farriimo anfacaya isla markaana ay ku raaxaystaan daawashadooda.

Maanta oo loo dabaal-degayo kaalinta tiyaataradu ku leeyihiin bulshooyinka, waa muhiim inaan ku baraarugno wax-ku-oolnimada ay masraxyadu ka qaataan nolosha dhaqan-dhaqaale iyo midda geeddi-socodnimo ee umaddeenna.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan