Home / Arrimaha Bulshada / 1-da June: Maalinta caalamiga ee waalidiinta

1-da June: Maalinta caalamiga ee waalidiinta

Himilo – Intii lagu guda jiray siddeetameeyadii, Qaramada Midoobay ayaa billowday inay diiradda saarto arrimaha la xiriira qoyska. Sannadkii 1983-dii, iyada oo laga duulayo tallooyin uu soo jeediyay golaha dhaqaalaha iyo bulshada, guddiga hay’adda ee horumarinta bulshada ayaa baaq uu soo saaray kaga codsaday xoghaya guud ee QM in uu dardar geliyo wacyi-gelinta ku saabsan dhibaatooyinka iyo baahida qoysaska iyada si toos ah loola hadlayo hoggaamiyaasha leh go’aannada.

Qaraarkii tirsigiisu ahaa December 1989-kii, golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u calaameeyay sannadkii 1994-tii ‘ sannadka caalamiga ah ee qoyska’ isaga oo u doortay 15-ka May xuska maalinta caalamiga ah ee qoysaska.

Sannadkii 2012-ka, Golaha guud ee QM ayaa u aqoonsaday 1-da June maalinta caalamiga ee waalidiinta si loo xuso sannad kasta dunida oo dhan.

Cidna kama qarsoona ahmiyadda waalidka iyo kaalinta ay ku leeyihiin bulshada balse maalintan ayaa xusuusineysa cid kasta qoyska iyo mas’uuliyadaha saaran. Deegaan ahaan, carruurta waa inay ku koraan qoysas ku nool farxad, jaceyl iyo isfaham.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. cialis 20mg you need to make sure you are controlling estrogen as much as possible to ensure your not holdoing too much water

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan