Muqdisho – Maalinta Caalamiga Hijaabka waa dhacdo sanadle ah oo maskaxdeeda ay ka timid Nazma Khan sanadkii 2013-ka. Munaasabadda ayaa la qabtaa kowda bisha febraayo sanad kasta. Waxaana la xusaa 140 dal oo dunida kamid ah. Ujeedka maalintan waa dhiirri-gelinta haweenka kala diimaha iyo taariikhda leh inay xirtaan ama bartaan Xijaabka. Abaabulayaasha dhacdadan waxay ku qeexaan fursad dadka aan Muslimiinta ahayn lagula wadaagayo Xijaabka – si ay maalintaas u xirtaan.
Hayeeshe, waxaa jira dhaleeceymo iyo canbaareyn Maalintan lagala horyimid taas oo dad badan sida Asra Nomani ay ku tilmaantay dhaq-dhaqaaq casriga oo lagu baahinayo idiyoolojiyad siyaasadeed oo Islaami ah oo abuuri karta si kale inay ula muuqato umadaha aan Muslimiinta ahayn.
Dhowr dal oo dunida Muslimka kamid ah ayaa laga xusaa. Waxaana xusid mudan in jaalliyadaha Muslimiinta ku nool dunida Galbeedka ay sidoo kale Maalinta u dabaal-degaan. Inta lagu guda-jiro munaasabadda Maalintan, haweenka aan Muslimiinta ahayn ayaa loogu yeeraa inay hal mar xirtaan Xijaabka.
Hayeeshe, in badan ayaa dhiirri-geliya Maalinta Caalamiga ah ee Xijaabka. Muftiga weyn ee Ismaaciil Menk ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid waqtigii loo baahnaa ku timid – xilli ayuu yiri, dalal badan ay mamnuucayaan Xijaabka: kuwa kalana ay ku tala-jiraan.
Sidoo kale, RW UK, Teresa May ayaa barlamaanka dalkeeda kahor sheegtay inay ku raacsan tahay in Maalinta Caalamiga ee Xijaabka loo dabaal-dego mar la weydiiyay faalladeeda ku aadan xuska Maalintan.
Islaamka ayaa xirashada Xijaabka u arka hab-labiseed sharci ah: mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid. Waana aragtidan iyo kuwa lamidka ah oo dadka aan Muslimiinta ahayn ka heystaan Xijaabka oo qaarkood moodayaan inuu yahay mid ragga Muslimiinta ah ay ku qasbaan haweenkooda.
Faham-darrida reer Galbeed badan ka heystaan Islaamka iyo Muslimiinta iyo baahinta muuqaallo aalaaba lala xiriiriyo argagaxiso iyo magac Islaam, noqosha Muslim ku dhex nool dunidan oo kale waa waaya’aragnimo xanuun badan. Islaam-naceybka ama Islamophobia wuxuu ku jiraa heerkii ugu sarreeyey. Haweenkuna waa dhibahana koobaad. Maadaama ay, caadiyan inta badan laga fahmi karo muuqaalka kore, la yaab malahan inay maalinle ula kulmaan naceyb joogto ah.
Sidaas darteed, in la garowsado sida tallaabadan oo kale ay qeyb uga qaadan karto is-dhex-galka iyo la dhaqanka umadaha kale, waxay ugu yaraan sees u tahay fahamka xikmadda Rabaaniga ee fidinta Dacwada Islaamka. Waayo 60% dadka oo Muslima waxaa u badan haween.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.