Home / Macluumaad / Maamulka gobolka Al-ixsaa ee bariga Sucuudiga oo la soo gaarsiiyay dacwad ku salaysan daris ka cabanayay qeylada digaagadda jaarkiisa

Maamulka gobolka Al-ixsaa ee bariga Sucuudiga oo la soo gaarsiiyay dacwad ku salaysan daris ka cabanayay qeylada digaagadda jaarkiisa

Duqqa xaafadda Al-hufuuf oo ku taala gobolka Al-ixsaa ayaa waxa uu sheegay in uu soo gaaray muwaadin cabasho ka qabay xayawaan uu xanaaneysto nin ay daris yihiin.

muwaadinkaan ayaa waxa uu dhibsaday qeylada diiq uu lahaa jaarka ku dhegan kaddibna arrinta waxa uu la tiigsaday Maamulka Xaafadda.

Muwaadinkaan ayaa maamulka waxa uu ka codsaday in wax laga qabto dhibaatada heysata isagoo carabka ku dhuftay in shaqada marka uu ka yimaado islamarkaana uu ku soo hoydo aqalkiisa uu maqlayo dhawaq dheer oo shinbiro iyo digaag isugu jira taasna uu awoodi waayay inuu u dulqaato.

Masuulliyiinta gobolka iyo xaafadda  ayaa waxa ay bilaabeen in ay arrinta fara geliyaan oo ay isku dayaan xal in laga gaaro.

Waxaana marka la joogo Dalka Sucuudiga mamnuuc ah in lagu dhex xanaaneysto aqallada la deegaansado Xayaawaanada iyadoo ciddii lagu arkaa ay muteysan karto ciqaab adag.

Qareen lagu magacaabo Mishcal oo u waramay Mareegta lagu daabacay warbixintaan ayaa waxa uu shaaciyay in qaddiyadahaan oo kale horey loogu arkay boqortooyada islamarkaana aysan aheyn arrin ugub ah.

Isagoo intaas sii raaciyay in eedeysanihii danbigaas lagu helaa uu muteysan karo karbaash ama Jeel oo lagu daray ganaax maaliyadeed.

Dhanka Maamulka xaafadda oo kiiska gacanta ku haya kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan halka ay wax marayaan marka laga reebo iney ka dhawaajiyeen iney wadaan dadaal arintaa lagu xalinayo.

Sidoo kale labada dhinac ee dhibaatada kala tirsanaya iyana kama aysan warbixin kiiska.

Balse Qareen Mishcal ayaa waxa uu carabka ku dhuftay marba hadii sida la shaaciyay uu warka yahay iney ka dhigantahay in muwaadinka dacwadda laga soo gudbiyay laba midood qabsan doonto, in la karbaasho iyo in xabsi loo taxaabo taasooy sii dheertahay ganaax lacageed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan