Maanta oo kale Obafemi Martins oo ay taariiqdu xusayso

Himilo – Maanta oo kale sanadkii 2011-kii, Birmingham ayaa 2-1 kaga badisay Arsenal si ay ugu guuleysato finalka koobka Carling Cup.

Arsenal ayaa finalka u soo baxday iyada oo ah kooxda ugu cad-cad  maadaama ay isku dayeen inay soo afjaraan lix sano oo ay sugayeen koobka.

Dhacdada, waxa uu ahaa weeraryahanka Birmingham Obafemi Martins kaasoo cinwaanada  waragaysyada qabsaday.

Gunners ayaa gaadhay Wembley iyaga oo fadhiya kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Isku dhex yaacii  u dhexeeyay  Szczesny iyo daafaca Laurent Koscielny ayaa u ogolaaday weeraryahanka heerka caalami ee reer Nigeria Martins inuu ku rido shabaqa oo  madhan  kubada si uu u xaqiijiyo guushii caanka ahayd ee 2-1.

Farxadda maalintaas ayaa la qaboojiyay saddex bilood ka dib markii Birmingham ay ka baxday horyaalka markii ay badisay kaliya labo kulank iyada oo uu  u  haray 12 kulan horyaalka.

Niyad jabkii Arsenal ayaa u horseeday markii laga reebay labada bug bax ee Champions League iyo FA Cup ee Barcelona iyo Manchester United kala kulmeen ka hor inta ayna ku dhammaysan kaalinta afraad ee horyaalka.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan