Home / Cayaaro / Maanta oo kale Obafemi Martins oo ay taariiqdu xusayso

Maanta oo kale Obafemi Martins oo ay taariiqdu xusayso

Himilo – Maanta oo kale sanadkii 2011-kii, Birmingham ayaa 2-1 kaga badisay Arsenal si ay ugu guuleysato finalka koobka Carling Cup.

Arsenal ayaa finalka u soo baxday iyada oo ah kooxda ugu cad-cad  maadaama ay isku dayeen inay soo afjaraan lix sano oo ay sugayeen koobka.

Dhacdada, waxa uu ahaa weeraryahanka Birmingham Obafemi Martins kaasoo cinwaanada  waragaysyada qabsaday.

Gunners ayaa gaadhay Wembley iyaga oo fadhiya kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Isku dhex yaacii  u dhexeeyay  Szczesny iyo daafaca Laurent Koscielny ayaa u ogolaaday weeraryahanka heerka caalami ee reer Nigeria Martins inuu ku rido shabaqa oo  madhan  kubada si uu u xaqiijiyo guushii caanka ahayd ee 2-1.

Farxadda maalintaas ayaa la qaboojiyay saddex bilood ka dib markii Birmingham ay ka baxday horyaalka markii ay badisay kaliya labo kulank iyada oo uu  u  haray 12 kulan horyaalka.

Niyad jabkii Arsenal ayaa u horseeday markii laga reebay labada bug bax ee Champions League iyo FA Cup ee Barcelona iyo Manchester United kala kulmeen ka hor inta ayna ku dhammaysan kaalinta afraad ee horyaalka.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan