Home / Macluumaad / Maareyn ceynkee ah ayuu kaaga baahan yahay ganacsigaaga yar?

Maareyn ceynkee ah ayuu kaaga baahan yahay ganacsigaaga yar?

Muqdisho – Ganacsiyada yar yar waxa lagu qeexaa inay yahiin kuwo ka xadidan dhinacyo badan sida milkiilaha oo ah hal qof ama ay cid gaar ah ku abtirsato sida Qoys, ra’samaalkooda oo kooban iyo shaqaalahooda oo tiro ahaan yar. Tusaale ahaan foornada rootiga oo kale, Maqaayadaha laga cunteeyo iwm.

Ganacsiyada noocan ahi waxey yihiin kuwo si fudud loo aas-aasi karo marka loo eego noocyada kale ee ganacsiyada, sidoo kalena way ka kharash iyo hawlba yaryihiin. Faa’iidooyinka waaweyn ee ay leeyihiin Ganacsiyadani waxa kamida xorriyada aad u leedahay maamulashada ganacsigaaga iyo adigoo hadba suuqa la jaanqaadi kara si fudud oo aanay dad badan amaba cidnaba uga daba fadhiisaneyn go’aanada kula soo darsa ee la xiriira kobcinta dakhligaaga iyo ganacsigaagaba, waxaan iyana la hilmaami karin in ay tahay ilaha shaqo abuurka kuwooda ugu doorka weyn oo haddii ay shan qof ganacsiyo u gaara sameystaan waxey shaqaaleysiin karaan 10-30 shaqaale.

Diyaarinta Qorshe Ganacsi waxa ay aas-aas iyo talaabada ugu horaysa u tahay bilowga ganacsiga. Qorshaha wanaagsani waxa uu kugu caawiyaa in aad hesho qarash kugu filan, In aad diyaariso saaxada guud ee ganacsigaaga, In aad dejiso siyaasada suuq gaynta ganacsigaaga, iyo in aad dhisto maamul haga Ganacsigaaga.

Hadii qorshaha bilowga ganacsigaagu uu qaldamo ama si sax ah aan loo diyaarin , waxaa hubaal ah in ganacsigaagu qasaarayo, oo burbur iyo wareer uu ku dambaynayo. Hadiise la dejiyo qorshe bilow wanaagsan , waxaad ku guulaysanaysaa ganacsi faa’ido dambe dhala oo waara.

Ma jiro qof abuura ganacsi yar ee iska ilaalin kara khatar. Hadii qaar ka mid ah khatarta iyo qasaaraha aadan aqbalin, waad quusaneysaa, laakin hadana waad maarayn kartaa khatarta iyo qasaaraha ku soo wajaho.

Qof kasta ee bilaabay ganacsi cusub waa uu garanayaa qasaaraha, fursad kasta waxa ay wadataa guul dahabi ah ama qasaare kula daga gabi ahaanba… waxa is waydiinta mudan waa in aad ogtahay inta ay la’eg tahay qasaaraha ku gaari kara.

Mid ka mid ah waxyaabaha dhaawaca ganacsiyada waa Kayd la’aan: Lacag caddaan ah oo Kayd ah waa u muhiim ganacsiga, markaas haddii aadan hayn, ugu yaraan 6-da bilood ee ugu horaysa, ama inta ganacsigu xoog yeelanayo oo lugihiisa ku istaagaayo, rajadaada guusha way yaraanee, waxaana u nugushahay inaad guul daraysatid.

Maamul xumo waa mid kale oo iyana dhaawac ku ah ganacsiga:  waa qaybta ugu daran ee ganacsiga la harta, waxaa ka mid ah in maaliyad yar ama maaliyad liidata ama qiyaas maaliyadeed oo liidata oo lagu hawl galo. Sheekadu maahan inaad lacag fiican haysato kaliya, aqoonta sida aad lacagtaas u kala maarayn lahayd baa maamulka ah. Waa sababta in dadka ganacsiga yar yar bilaaba loo baahan yahay inay ka hortagaan, khaladaadka yar yar, sida maaliyad aan u dhigmin ganacsiga, ama in si khayaali ah lagu dajiyo maaliyadda ganacsiga.

Ganacsiyada yar yar iyo habka ay uga hawl galaan wadankasta waxey tahey calaamad tusineysa kor u kaca dhaqaale ee wadankaasi leeyahey,  sidoo kale waxey kordhisaa dakhliga qofeed taas oo saameysa dakhliga wadanka korna u qaada wax soo saarka dalka (GDP).

Waxaan iyana meesha ka marneyn in uu koror ku yimaado dakhliga dawladda marka ay cashuuro ka qaadaan ganacsiyada noocan ah, taas oo iyana kor u qaadeysa adeegyada aas-aasiga ah in si hufan loo qabto.

Qore: Maxamed Qadar Cabdi Maxamed

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan