Himilo – Hogaamiyaha kasmada sharciga ee jaamacadda South Carolina, ayaa raali-galin ka bixiyay natiijada imtixaan laga qaaday ardayda oo uu ku faafiyay baraha bulshada.
William Hubbard, ayaa sheegay inay farxad qaatay markii uu arkay in 80% ardayda ay ku guuleysteen imtaxaan laga qaaday, taas oo ku xanbaartay inuu faafiyo natiijada isaga oo aan eegin e-mail-ka uu ku dirayo.
“Gabi aaan waxey ahayd kadis waana ka shalaaynayaa” ayuu u sheegay warside kasoo baxa gudaha.
Waxaa falkaasi ka carrooday qeyb kamida ardayga, kuwaas oo natiijadoodu hooseeysay, waxeyna taasi soo dedejisay raali galinta hogaamiyaha kasmada sharciga ee jaamacadda South Carolina.
Si tusaalle uu u noqdo, ayaa laga qaaday mas’uulaydii hogaamin ee uu ka hayay Jaamacadda South Carolina ee dalka Mareykanka.